Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo la kulmay Soomaalida reer Minnesota – SAWIRO

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Spephen Schwartz, ayaa Kulan la yeeshay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota iyo Seattle-Washington.

Danjire; Spephen Schwartz, oo ay wehliyeen xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa intii ay ku sugnaayeen Minneapolisi, waxay booqdeen xarunta Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Minnesota iyo Labada Suuq ee ay ku Ganacsadaan Soomaalida halkaa deggen.

Cabdi Warsame, oo ah guddoomiyaha Dagmada Lixaad ee Minneapolis, ayaa ugu horreyn hakaasi ka jeediyay hadallo soo dhawan ah,wuxuuna ugu mahad celiyay Safiirka booqashada uu ugu kuur galayo xaaladda Soomaalida ku nool Maraykanka.

C/rashiid Sheekh Cali oo ka mida Xubnaha Jaaliyadda Soomaalida, ayaa sidoo kale Danjiraha iyo wafdigiisa siiyay war bixin kooban, isagoo xusay horumarka Soomaalida Minnesota iyo waxyaabaha ay kusoo kordhiyeen Gobolka.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Spephen Schwartz, ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxuuna ka hadlay qodobbo ka mid ah siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya sida; Amniga iyo Taakulaynta Ciidamada, waxana si taxadar leh uga hadlay duqeymihii ka dhacay duleedka Gaalkacayo oo uu sheegay inuusan war xaqiiqo ah ka hayn siday wax u dhaceen.

Safiirka iyo wafdigiisa, ayaa gebagebadii si weyn u ammaanay dedaallada horumarineed ee ay Soomaalida ku dhaqan Maraykanka wadaan iyo tallaabooyinka yididdiilada leh ee ay qaadayaan ganacsatadooda Minnesota.

SONNA/News

us8us7us6us5us4us3us2us1