Saldhigga Milateri ee Turkiga ka dhisanayo Muqdisho oo la soo gaba gabeeyay

Saldhigga Milateri ee Turkiga ka dhisanayo Muqdisho oo la soo gaba gabeeyay

by A M Saturday, Jul 15, 2017 

July 15 (Jowhar)— Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Olgan Baker ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dhismaha Saldhiga Milateri ee Turkiga ka waday magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka lagu magacaabo Jazeera.

Danjire Olgan Baker oo shalay wariyeyaasha kula hadlayay xarunta Safaaradda ee Muqdisho ayaa sheegay in bisha Agosto ee soo socoto ay Muqdisho imaan doonaan Saraakiisha Milateri ee saldhiggaas tababarka ku siin laheyd Ciidamada Soomaalida.

Waxaa uu sheegay in bisha September ee soo socota la furi doono Saldhigga, iyadoo lagu wado in kumanaan askar Soomaali ah tababar lagu siiyo bilaha soo socda.

Turkiga ayaa dhowaan balan qaaday inuu ka qeyb qaadanayo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo heshiisyo dhinaca milateri ay horay labada dal u kala saxiixdaan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sanadkii hore mar uu u yimid magaalada Muqdisho furitaanka safaaradooda ayaa sheegay inuu furi doono saldhig milateri oo ay ka dhisanayaan Muqdisho.

Dowladda Turkiga oo horay Soomaaliya uga taageereysay dhinacyada bani’aadanimada iyo horumarinta mashaariicda ayaa hada waxay qeyb ka qaadan doontaa tababarka ciidamada iyo qalabeyntooda.