Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo la xaqiijiyay in lagu dilay Duqeyn Diyaaradeed

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Duqeyn ka dhacday Deegaanka Kanjaroon oo ku dhaw xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagan lagu dilay saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Duqeynta waxaa fuliyay diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn uu oo leedahay Dowlada Mareykanka, waxaana duqeynta lala helay gaari la sheegay in ay la socdeen saraakiil katirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay Bashiir Dheere oo ahaan jiray taliye ku xigeenka Al-Shabab ee gobolka Jubada Hoose iyo saddex sarkaal oo kale xilli ay ku sugnaayeen banaanka deegaanka Kanjaroon ee gobolka Jubada Hoose.

Bayaan laga soo saaray xafiiska taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in afartan sarkaal lagu dilay weerar isdifaacid ahaa oo dhinaca cirka ah, kadib marki ay kooxda Al Shabab weerar ku qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo lataliyaal Mareykan ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo.

Dowlada Mareykanka saraakiil katirsan ayaa sheegay in ciidankooda Soomaaliya jooga kaliya hooshooda ay tahay la talin, waxa ayna meesha ka saareen in ay ka qeyb qaataan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.