Saxafiyiinta dalka Kenya oo mudahaarado ka dhigay caasimada Nairobi

Weriyayaasha dalka ka Kenya ayaa dibed bax ka dhigay caasimadda Nairobi, waxayna ka cabanayaan khatar badan oo ay sheegeen in ay soo food saartay hawshooda.

Dhawr weriye ayaa sanadkii lasoo dhaafay Kenya ugu dhintay xaaladdo aan sharaxaad laga bixinin.

Xilli dambe oo Arbacadii ah ayaa toogasho lagu dilay saxafi dhanka sawirqaadida qaabilsan oo ku sugnaa magaalada Kitale oo waqooyi galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Todobaadkii hore Joseph Masha oo ahaa weriye arrimaha siyaasadda ka warama oo ka tirsanaa wargayska Standard ayaa la dilay.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warantay in loo malaynayo in uu u dhintay sun la siiyay.

Saxafiyiinta ku mudaaharaadaya Nairobi ayaa soo qaatay boorar ay ku qoran yihiin Saxafinimadu dambi ma aha iyo kuwo ay ku qoran yihiin fadlan jooji hanjabaada iyo rabshada.