(September 01.2016) Abaabul Xoogan Oo Dadka Loogu Baraarujinayo Inay Iska Soo Diiwaangaliyaan 6da Goobood Ee Lughaya Oo Ka Socda Xaafado Kuyaal Magaalada Hargaysa

Xaafado ka mid ah magaalada Hargaysa gaar ahaan xaafadaha Boqol iyo Kontonka, 26ka June, Jigjigajar iyo qaar kale ayaa waxa ka socda abaabul xoogan oo dadka loogu baraarujinayo inay u soo baxaan diiwaangalinta qasabka ah ee ay xukuumadu rabto inay ka samayso 6 goobood oo ku yaala degmada Lughaya, oo kala ah Cabdigeedi, Hulka, Ceel la helay, Bildhaaley, Ceelsheekh iyo Damasha, kuwaas oo wixii ka dambeeyay doorashadii dastuurka iyo tii ku xigtay ee golaha degaanka aanay doorasho ka qabsoomin.

Baabuur makarafoono la saaray ayaa jidadka xaafadahaas dhex maraya, waxana ay fariinta ka yeedhaysa codbaahiyayaashaasi tahay mid dadka reer Hargaysaad ugu baaqaysa wax ay ku sheegeen inay iska soo diiwaangaliyaan dhulkooda hooyo eek u dhaca waqooyiga Hargaysa, waxa kale oo intan dheer in fariimahaas baraarujinta ah ee loo samaynayo dadka ku dhaqan Hargaysa loogu sheegayaa in wax walba oo baabuur ah oo lagu gurayo dadka, kharashaadka sahayda iyo wixii la halmaala eel agama maarmaanka ah la diyaariyay.

Wararka ayaa waxa kale oo ay intan ku darayaan in Wasaaradaha Maaliyada iyo Arimaha Gudaha maamulka Hargeysa ay yihiin kuwa wada baraarujintan iyaga oo markaasi khasnada dawlada iyo gaadiidkii dawladaba u isticmaalaya in ay uga faaiidaystaan sidii dadka reer Hargaysaas ay isaga soo diiwaangalin lahaayeen goobaha 6da ah ee ka tirsan dagmada Lughaya ee la qorsheeyay in 3da bishan ay ka bilaabato diiwaangalintu.

Daabulkan dadka rayidka ah ee reer Hargaysaad ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti ay saansaan colaadeed ka oogan tahay degaanada bariga Lughaya, taasi oo ah mid ay isku hor fadhiyaan ciidamo RRU ah oo ay xukuumadu gaysay degaamadaas iyo kooxo kacdoon hubaysan ka wada degaanadaas oo ka tirsan dadka degaanka, waxana xusid mudan in haba yaraatee fariimaha loo sheegayo dadka reer Hargaysaad ay yihiin kuwo aanan marnaba xaalada runta ah ee ka jirta degaamada Bariga Lughaya aanan sheegayn, balse ay suura gal tahay in ay dadka shacanka ah ee Hargaysa laga soo waaridayo uu qasaare ka soo gaadhi karo hadii ay xabadu qoriga afkiisa ka baxdo marka ay gaadhaan Bariga Lughaya, taasina ay dhalinayso in  ay dad badani naftooda qaaliga ah ama caafimaadkoodaba ku waayaan, hadii aananay maantaba ka joogin qatartaas ay siyaasiyiinta Hargaysa u maleegayaan dadkooda.

awdalmedia.com