(September 01,2016) Mucaaradka madaxweynaha Gabon, Cali Bongo, ayaa dab qabadsiiyay baarlamaanka dalkaasi.

Mucaaradka madaxweynaha Gabon, Cali Bongo, ayaa dab qabadsiiyay baarlamaanka dalkaasi.

 Waxa ay ka caraysan yihiin natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday Sabtidii, oo la shaaciyay in madaxweyne Bongo uu kaga guuleystay ninka ay sida weyn u loolamayeen ee Jean Ping.

Booliska caasimadda Libreville ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si uu u kala eryo taageerayaasha Mr Ping, oo rumeysan in doorashada looga shubtay.

 Mr Bongo ayaa la sheegay in uu codad ka yar 600 oo kun kaga adkaaday Mr Ping, ayadoo gobolka uu madaxweynaha kasoo jeedo uu u codeeyay ku dhawaad 100%.

Qoyska Bongo ayaa talada dalkaasi shidaalka qaniga ku ah hayay ku dhawaad nus qarni.