Mucaaradka dalka Suuriya oo ay la wareegeen ku dhawaad toban tuulo oo ay ka qabsadeen kooxda khilaafada islaamka.

Fallaagada dalka Suuriya ee uu Turkiga taageero ayaa waxa ay la wareegeen gacan ku haynta ku dhawaad toban tuulo oo ay ka qabsadeen kooxda khilaafada islaamka.

Tuulooyinkan ayaa u dhow magaalada Al-Rai oo labo kilomitir oo kaliya u jirta xudduuda Turkiga uu la wadaago Suuriya.

Guushan ay gaareen fallaagadani ayaa timid kaddib markii taangiyada dagaalka ee dalka Turkiga ay mar labaad ka tallaabeen xudduuda Turkiga uu la wadago dalka deriska ah ee Suuriya.

Arrintan ayaa u fududeysay fallaagadani in kooxda khilaafada islaamka ay ka qabsadaan tuulooyinkan cusub ee u dhow magaalada al-Rai oo saaran xudduuda labada dal.

Fallaagadani taageerada ka helaysa Turkiga ayaa horey u qabsatay magaaladaasi Al-Rai kaddib bilo ay dagaal kula jireen kooxda khilaafada islaamka.

Hawlgalkani cusub ee uu qaaday Turkiga ayaa noqonaya hawlgalkii labaad ee uu ka sameeyo woqooyiga Suuriya, kaa oo ka dhan ah kooxda khilaafada islaamka iyo mintidiinta kurdiyiinta oo Turkidu ay u arkaan koox argagixiso ah oo xiriir la leh kooxda PKK.

Warbaahinta Turkiga ee u janjeerta dhanka dowladda ayaa sheegtay in hawlgalkan cusub uu ku kooban yahay oo kaliya kooxda khilaafada islaamka.

Turkiga ayaa doonaya in dhulka ballaaran ee ku xeeran xudduuda uu la wadaago Suuriya uu ka nadiifiyo mintidiinta kooxdani khilaafada islaamka.

Duulaankan cusub ee Turkida ayaa ku soo beegmaya maalmo uun kaddib markii xukuumadda Ankara ay weerar dhanka afka ah ku qaaday mareykanka oo dhaliilay doorka Turkida ee colaadda Suuriya.

Mareykanka ayaa xulufo la ah Turkiga iyo maleeshiyaadka kurdiyiinta ee woqooyiga Suuriya, waxa uuna aad uga walwalsanaa dagaal dhex mara labadaasi dhinac ee xulufada la ah

00:13

00:59