Shabaab oo Degmada Jilib ku soo bandhigay Lix Askari oo ay sheegeen Jubbaland inay ka soo goosteen – SAWIRO

Ururka Al Shabaab ayaa Degmada Jilib, waxa ay ku soo bandhigeen Lix Askari oo ay sheegeen inay ka soo goosteen ciidamada Maamulka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Askaritaan oo Shabaabka ay sheegeen qaar ka mid ah inay Ilaalo u ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland iyo Guddoomiyaha Magaalada Kismaayo, ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Jilib.

Shabaab ayaa sheegay mid ka mid ah Askarta inuu soo dilay Sarkaal ka tirsan ciidamada Maamulka Jubbaland, kadibna uu ka soo baxsaday Kismaayo.

Qaar ka tirsan Askarta ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen Ururka Al Shabaab, kadib markii sida ay sheegeen dhibaatooyin kala duwan ay arkeen in lagu haayo shacabka Magaalada Kismaayo.

Jubbaland ayaanan ka hadlin Askartaan Shabaabka ay ku soo bandhigeen Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

14768621101f67a.jpg

1476862113c1c7d.jpg

14768621151ac67.jpg

14768621178cef7.jpg

14768621197138b.jpg

1476862121b2326.jpg