Shan Madaxweyne Oo Soo Maray Dalka Maraykanka Oo Kulan Iskugu Yimid Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

Shan Madaxweyne Oo Soo Maray Dalka Maraykanka Oo Kulan Iskugu Yimid Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

Shan madaxweyne oo soo maray xilka madaxtinimada ee dalka Mareykanka ayaa iskugu yimid kulan dhaqaale loogu uruurinayay dadkii ay waxyeelada ka soo gaadhay duufanadii sanadkan ku dhuftay dalka Maraykanka.

Madaxdan oo kala ah Barack Obama, George W Bush, Bill Clinton, George HW Bush and Jimmy Carter ayaa iskugu yimid gobolka Texas ee Mareykanka.

Madaxweynayashan oo ka soo kala jeeda xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa kulmay iyagoo ka duulaya barnaamij gargaar oo loogu magac daray ” One America Appeal”, kasoo wax loogu qabanayo dhibaatooyinkii ka dhashay duufanada Harvey, Irma iyo Maria.

Kulankan ayaa waxaa lagu uruuriyay lacag dhan soddon iyo kow milyan oo


doolar, waxaana qorshaha lagu caawinayo dadkani lagu daray dadka kale oo iyaguna ku nool gobolka Florida, Puerto Rico iyo jasiirada US Virgin.

Madaxweyne Obama oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii loo caawin lahaa dadkaasi.

“Anagu hadaan nahay madaxweynayaashi hore ee Mareykanka waxaan dooneynaa inaan caawina walaalahena Mareykanka, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinka ka dhashay duufaanada,” ayuu yidhi Barack Obama

Dhamaan shanta madaxweyne ee soo maray xukunka Mareykanka ayaa ka soo muuqday masraxa kulanka, waxaase kulanka ka baaqday madaxweynaha imika talada haya ee Donald Trump, oo farriin uu soo diray kulanka kahor madaxda halkaasi timid, waxaana uu ku ammaanay shaqada ay wadaan.

Source:-BBCsomali