
Shan sano kaddib kacdoonkii lagu dilay Hoggaamiyihii mudada dheer xukumayay dalka Libiya Muammar Gaddafi ayaa wali xaalada dalkaas ka taagan ay tahay mid aad u liidata.
Kacdoonkii is bedel doonka ahaa ee la doonayay in xukunka lagaga tuuro Muammar Gaddafi ayaa isu rogay dagaal sokeeye oo aan dhamaad laheyn.
Dadka ku nool Magaalada Tripoli ayaa ka careysan sii socoshada rabashadaha ka taagan dalkaas iyo xasilooni la’aanta siyaasadeed ee uu dalkaas ku jiro shan sano kaddib dilkii Muammar Gaddafi.
Nolosha qofka Libiyanka ayaa noqotay tan ugu liidata, marka la bar bar dhigo dadka kale, Libiya ayaa u kala qoqoban dowlad iyo dhinacyo iska soo horjeeda.
Dowladaha reer Galbeedka, sida Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa sabab u ahaa bur burintii dowladdii Libiya, waxaana natiijada duulaankaas qaawan ay noqotay in Libiya noqoto bahala galeen iyo meel ay ku xoogeystaan argagixisada.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa dhowaan qirtay in qaladkii ugu weynaa ee uu sameeyay inta uu xafiiska joogay ay aheyd duulaankii uu ku qaaday Libiya ee uu ku bur buriyay dowladdii uu hoggaaminayay Muammar Gaddafi.
Hoggaamiyihii Libiya Muammar Gaddafi oo muddo 42 sano xukumayay dalkaas ayaa ka dhigay mid ka mid ah dalalka carbeed ee ugu hodanka ah, dadka reer Libiya ayaa ahaa dad ladan oo cayr qaata, waxaana lagu ammaanay horumarka uu gaarsiiyay dalkaas.
Shan sano kaddib dilkiisa Libiya ayaa waxaa ka jira saddex dowladood oo iska soo hor-jeeda, kuwaasoo kala degan magaalooyinka Tripoli iyo Tabruug, halka dowladda saddexaad ay musaafuris ku maqan tahay.
Waxaa kaloo Libiya ku sugan maleeshiyaad hubeysan oo ka qeyb qaatay kacdoonkii lagu riday Muammar Gaddafi.
Kooxda ISIS ayaa iyana ku xooggan dalka Libiya, iyadoo gacanta ku heysa qeybo ka mid ah bariga dalkaas.
Sanadkii 2011 ayay aheyd markii uu bilowday kacdoonkii loogu magac daray gugii Carabta, kaasoo xukunka looga tuuray Madax muddo 30 sano ka badan talineysa, waxaana dalalka kacdoonka ka bilowdeen ka mid ahaa Masar, Tunisa, Yemen iyo Suuriya oo wali dagaalo sokeeye ka socdaan.