Shaqaalihii Madaxtooyada Soomaaliya oo ku Guulaystay Xildhibaano (Akhriso)

Shaqaalihii Madaxtooyada Soomaaliya oo ku Guulaystay Xildhibaano (Akhriso)

Jowhar (Kalshaale) Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa goor dhow ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Doorasho caawa fiidki ka dhacday magaalada Jowhar ayuu Mr Cali Balcad ku guuleystay codod dhan 44 cod, isagoo ka adkaaday gabar afartii sano ee la soo dhaafay ahayd xildhibaan Xaliimo Maxamed Cumar.

Dhinaca kale Agaasime kuxigeenkii Madaxtooyada Soomaaliya Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim ayaa goor dhow ku guuleystay Kursigii Aqalka Hoose ee Beesha Madaxweyne Xasan Sheekh ee Waceysle, Cali Gaaf, kaddib doorasho ka dhacday degmada Cadaado,  Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim ayaa helay 29 cod, halka Eng. C/llaahi Cali Xasan uu helay 22 cod,