Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay bil kaddib soo bandhigtay baaritaan horu dhac ah oo ku saabsan shaqsiyaadka loo qabtay Qaraxii ka dhacay 14-kii bishii October Isgoyska Zoobe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebook ku soo bandhigay magacyada shan ruux iyo sawiradooda, kuwaasoo loo heysto inay ku lug lahaayeen qaraxii Isgoyska Zoobe.

Sidoo kale waxaa magacyada iyo sawirada la soo bandhigay ku jira ninkii fuliyay qaraxii gaariga TM ee isku qarxiyay isgoyska Zoobe, kaasoo galaaftay nolosha dad ka badan 300 oo ruux.

Shaqsiyaadka loo qabtay falkii Qaraxa 14ka October ayaa kala ah

1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –
2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado
3. Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14-ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.
4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo. 
5. Abdullahi Abdi Warsame 

Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji)