Sheekh Shariif Oo Maalinta Bari Ah Muqdisho Imanaya Iyo Dawlada Soomaaliya Oo Soo Dhaweyntii Awaamiro Culculus Ku Soo Rogtay.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maalinta berito ah lagu wado in magaalada Muqdisho uu soo gaaro Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed , oo la filayo in uu ku dhawaqao in uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa si weyn uga socota magaalada Muqdisho, waxaana jira caqabado soo wajahay in Sheekh Shariif si heer sare ah loogu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho.

Xubno katirsan Kooxda Aala Sheekh ayaa noo sheegay Dowlada Soomaaliya ay diiday warqada ogolaanshiyaha in shacabka magaalada Muqdisho ay si weyn usoo dhaweeyaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana taa badalkeeda la ogolaaday in tiro yar kaliya ay soo dhaweeyaan Sheekh Shariif.

Warqada looga dalbanayo ogolaansho in si balaaran Sheekh Shariif loogu soo dhaweeyo Magaalada Muqdisho ayaa loo geeyay Wasaarada Amniga, waxa ayna Wasaarada ku wargalisay dadkii warqadasai u geeyay in ay u tagaan Madaxweyne Xasan kana soo codsadaan fasaxa, taa oo u muuqatay xujo adag.

Dowlada ayaana sida aan wararka ku helnay ku andacootay in xaalada amni eexiligan aysan suurto gal ka dhigeyn in banaan bax lagu soo dhaweenayo Sheekh Shariif muqdisho lagu qabto sidoo kale dad badan oo taageersan ay jidadka u istaagaan soo dhaweyntiisa.

Sheekh Sariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa taageero badan ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna kamid yahay Xubnaha loo saadaalinayo in ay ku guuleesan karaan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya hadii uu shaaciyo in uu tartamayo