Shir looga hadlaayo horumarinta Isgaarsiinta Caalamka oo ka socda dalka Tunisia Soomaaliyana ka qayb gashay – SAWIRO

Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Hammamet ee dalka Tunisia kaga  qaybgalay shirweyne caalami ah oo ay isugu yimaadeen Boqol dowladood iyo kun xubnood oo ergo ah.

Shirweynahaan oo Afartii sano mat la qabto,waxa uu soconayaa 24/10/2016  illaa 3-da bisha Noviyadoo ay soo qaban qaabiyeen hey’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU.

Shirkan oo looga hadlayo guud ahaan hormarinta Isgaarsiinta waxaa furitaankii ka hadlay Raisul Wasaraha dalka Tunisia Mudane Yusuf Shaahid,isagoo soo dhoweeyay dadaalka ay caalamku ugu jiraan tayeynta baaxadda Isgaarsiinta ,wuxuuna u Mahadceliyey hey’adda Isgaarsiinta ITU,doorkii ay ka qaadatay taabagalinta shirkaan.

Mudane Axmed Xaaji Cabdi  oo ka qaybgalaya shirkaasi  ayaa sheegey in shirkani xoogga lagu saarayo  hormarinta Isgaarsiinta casriga ah ee jiilka Shanaad (5G) waxaana uu intaa ku daray in ay muhiim tahay in  dawladda  Soomaaliyeed ay qaadato doorkeeda ,isla markaana ay caalamka dib ula qabsato.

0001ooo2ooo3