Shir Madaxeedkii Wadamada IGad Ee Muqdisho oo Dib u Dhacay.

Ilo Wareedyo Lagu kalsoonaan karo Ayaa Warbaahinta Puntland Post u sheegay in uu Dib u Dhacay Shir Madaxeedkii Wadamada IGAD ee lagu Waday in 10-ka Bishaan oo ku Beegan Bari oo Sabti ah uu ka dhaco Magaaklada Muqdisho.

Wararkaan oo Aan ka soo Xiganay ilo lagu Kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegayaan in Shirkaan uu Dib ugu Dhacay ilaa iyo 13-ka Bishaan .

Muddo 3 Cisho Ah ayaana shirkaasi Dib loogu Dhigay Si Rasmi ah looma oga sababta ka dambeeysa in Shirkaasi Dib loo Dhigo.

Dowlada Somalia kama hadlin Sababaha keenay Dib u dhaca Shirkaasi Madaxda urur Goboleedka IGAD ee lagu waday in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Shir Madaxeedka Wadamada ku bahoobay urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa ka qeeybgali doono Madaxweynayaasha wadamada Jabuuti, Kenya,Suudaan,Uganda,Koofurta Suudaan iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalkiisu Shirka Marti galinayo.

Amaanka Guud ee Magaalada Muqdisho Ayaa si aad ah loo adkeeyay Waxaana lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho ciidamo aad u feejigan.

Dadka Magaalada Muqdisho Ayaa ka wal walsan in inta lagu jiro Maalmaha Ciida la xiro Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.