Shirkii Maamul goboleedyada oo goordhow ka furmay Magaaladda Kismaayo (Sawiro)

Shirkii madaxda maamul Goboleedyada ayaa Caawa Maqribkii kadib  ka furmay  magaalada Kismaayo.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxda maamul Goboleedyada sida: Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ay waxaa ku wehliya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamuladaasi iyo xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Shirkan oo 8-da Bisha loo qorsheeyay ayaa la sheegay in caawa uu noqon doono furitaan iyo khudbado ay jeedinayaan madaxda maamullada, halka maalinta berri uu si rasmi a u furmi doono.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam (Madoobe) ayaa furay shirka, waxaana Madasha la filayaa inay ka hadlaan madaxweynayaasha maamullada dalka ee ka qeyb galaya shirka.