Shirkii Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul goboleedyada oo Qodobo la isku mariwaayay

Shirkii Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul goboleedyada oo Waqtigiisa dhaafay iyo Qodobo la isku hayo

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa wali shir uga socdaa Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka, waxaana shirkan yahay mid xasaasi ah oon wali la isku afgaran.

 

Sida Qorshuhu ahaa Shirka ayaa lagu waday in maalintii shalay lasoo gabo gabeeyo, hasa ahaatee shirka ayaa wali socda waxaana la isku af garan la yahay qodobada qaar ee Madaxda kawada hadlayaan.

 

Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa isku afgartay kana heshiiyay qodobada qaar sida dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo qodobo kale.

 

Labada dhinac ayaa wali isku afgaran la’ qodobo kale oo kamid ah kuwa la isku hayo sida arimaha Siyaasada iyo Dastuurka, qodobadan ayaana sabab u ah shirka sii dheeraado .

 

Qodobada la isku hayo ee uu jira Dastuurka waxaa kamid ah qodobka 53aad iyo qodobka 54aad oo kala sheegaya in dowladda Dhaxe ay tahay cida awooda u leh arrimaha dibadda, halka qodobka 53aad uu dhigayo go’aanada Masiiriga ah laga wadatashado.

 

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa codsaday in shirka laga soo qeyb galiyo Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya si xal looga gaaro qodobada dastuurka ku jira ee la isku hayo.

 

Shirka ayaa la filayaa in lasoo gabo gabeeyo marka xal laga gaaro qodobada qaar ee la isku hayo, waxaana la filayaa in gabo gabada shirka laga soo saaro War Murtiyeed la isku waafaqsan yahay.