Shirweynaha Baarlamaanka Carabta oo maanta ka furmay Khartuum(Sawiro)

Shirweynaha Baarlamaanka Carabta oo maanta ka furmay Khartuum(Sawiro)

by mahad | Tuesday, Oct 31, 2017 

October 31 (Jowhar)—Shirka Baarlamaanka Carabta oo ay ku mideysan yihiin baarlamaanada dalalka Carabta  ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu qabtay magaaladda Khartuum ee xarunta dalka  Sudan.

Shirkan oo uu si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashir ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay guddoomiyaha baaarlamaanka Carabta, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan iyo dhamaan guddoonka iyo xildhibaannada xubnaha ka ah Baarlamaanka Carabta oo ay ku jiraan afarta xubnood ee golaha shacabka ee JFS u matalaya Baarlamaanka Carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mishaal Bin Fahm Al-Salami oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan xubnaha ka socda dalalka Carabta ee baarlamaanka Carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Sudan Ibraahiim Axmed Cumar Ayaa  u mahad celiyay wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir oo si rasmi ah shirka u furay ayaa ka hadlay muhiimmada uu shirka dalalka carabta u leeyahay.

Shirka waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Yeman, Falastiin iyo cuna qabateyntii dhinaca dhaqaalaha ah ee dhawaan laga qaaaday dalka Sudan iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo siyaasadda  dalalka Carabta.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Geelle oo ka mid ah afarta xubnood oo xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliyeed u matala Baarlamaanka Carabta ayaa  sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalkeena Soomaaliya.