Siilaanyo Oo Laga Mamnuucay In lagu Soodhaweeye Garoonka London iyo Jaah Wareerka Lagu Riday Kooxda taageerta SNM – VIDEO

dawlada Ingiriisku ayaa  qoraal soo gaadhsiisay kooxda snm  ee joogta dalka Ingiriiska taasoo lagula socodsiiyay inaan Siilaanyo wax soo dhawayn ah ka heli doonin dawlada Ingiriiska.

Sidoo kalena waxaa loo sheegay snm  inaan la ogolayn dad badan oo  Siilaanyo iyo waftigiisa kaga hortaga Airportka.

Talabada ingiriisku kaga mamnuucay siilaanyo in soodhaweyn lagu sameeyo london ayaa khal khal galisay shacabka snm ee ku sugan UK.

Hase yeeshee maamulayaasha siilaanyo ee Uk ayaa qorshe halis badan oo lagu kala diraayo dadka rabay in ay soodhaweeyan siilaanyo u dhigay iyagoona dadkii u kala tiray dhawr meelood oo ay shegen in siilaanyo imanayo halkaasi balse markii ay tagen ay hungo kala kulmen siilaanyana ku soo galay si bilaa soodhaweyn ah LONDON.