Sirta caafimmadka iyo cimri dherirka oo Mahatiir Maxamed uu ka sheekeeyay

.Lahaanshaha sawirkaMAHATIIR MAXAMED
Image captionMahatiir, siyaasi da’ weyn balse aysan ka muuqanin

Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia, Mahatiir Maxamed oo dhashay 10-kii Luulyo ee sannadkii 1925-tii, da’diisuna ay tahay 94 sano jir ayaa marar badan la weydiiyay sababta keentay in uu noqdo qof aysan uga muuqanin da’da uu jiro.

Mahatiir oo horay ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka Malaysia, markalena kusoo rogaal celiyay saaxadda siyaasadda ee dalkaas oo hadda waddanka hoggaaminayo ayaa sheegay in uu nasiib u yeeshay in aysna ku dhicin cuduro keeni kara cimri degdeg, caafimmaad wanaagsanna uu ku noolaado. Waa hoggaamiyaha ugu da’da wayn duninad.

Mahatiir waxaa uu sheegay in mar uu ku dhacay xanuun dhanka wadnaha ah, balse uu ka badbaaday, wixii intaa ka dambeeyayna uu wax ka badelay qaab nololeedkiisa.

Waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa oo aan turjunay maqaal uu ra’iisul wasaare Mahatiir Maxamed ku qoray wargeyska The NST ee ka soo baxa dalka Malaysia.

Waxwalba waxay ka bilawdaan cuntada uu qofka cuno, loona baahan yahay in qofka uu waxyar ka cuno cunta walba inta ay ka macaan tahay.

Qofka haddii aysan ku dhicin cudurada faraha ba’an ku haya dadka, waxaa uu nasiib u yeelan karaa in uu ku noolaado xaalad caafimaad leh, da’a walba oo uu yahayna uu u noolaado sida qof caadi ah.

.Lahaanshaha sawirkaMAHATIIR MAXAMED
Image caption.

Waxyaaba badan oo ku jira gacanta dadka bani’aadamka haddii si wanaagsan loo maareeyo waxay keeni karaan in qofka uu ku noolado caafimaad wanaagsan, xitaa haddii uu noqdo qof da’ ah, waxaana ka mid ah xakameynta qofka uu ku sameeyo noolashiisa iyo waxa marwalba oo ay jeclaato nafsadiisa.

Waxyaabaha la xakameyn karo waxaa ka mid ah:

Qaabka wax loo cuno

Waxa ugu horeeya ee laga doonayo in uu sameeyo qofka rabo in uu caafimad ku noolaado waxaa ka mid ah hab cunniinka wanaagsan.

Jirka bani’aadamka wuxuu u baahan yahay cunto badan, balse taas waxaa u baahan oo keliya qofka dhaliyarada ah xilliyada uu soo korayo oo jirkiisa uu u baahan yahay korriin.

Ma ahan in aan cunno raashin badan, si aan u noolaano, mana ahan in aan u noolaano si aan cunto badan u cunno.

Cunnitaanka raashiinka ma ahan in uu noqdo wax ka badan qiyaasta jirka uu u baahan yahay, waxaana qofka cuna raashin badan ay u badan tahay in uu si xad dhaaf ah u cayilo, gaar ahaan dhalinyarad iyo caruurta.

Cayilka saa’idka ah uma fiicna caafimaadka iyo cimri dheerirka, marwalban waxaa la socdo dhibaatooyiin caafimmaad.

Si qofka uu isaga ilaaliyo xanuuno ay ka mid yihiin dhiikarka, wwuxuu u baahan yahay qofka cunto qiyaas ah.

Cuntada faraha badan marka ay gasho caloosha waxay isu badashaa dufan, cayilka ka dhasha dufankaas na waxaa uu culeys ku keenaa xubnaha jirka.

Xubnaha jirka oo shaqeeya

.Lahaanshaha sawirkaMAHATIIR MAXAMED OO KA QEYBGALAYA MADASHA DOHA
Image caption.

Nadaafadda qofka dabcan waa shay muhiim ah, waayahan dambena dadku waxay marwalba cadeyaan ilkahooda. Waa arrin wanaagsan in qofka uu cadeydo marwallba oo uu cunta cuno, gaar ahana ilkaha oo la cadeeyo kahor inta uusan qofka seexanin waa shay muhiim ah, wana qeyb ka mid ah caafimmaadka qofka bani’aadamka.

Waxyabaha kale ee uu qofka aadanaha ah u baahan yahay waxaa ka mid ah in xubnaha jirka ay u baahan yihiin in si isku mid ah loo isticmaalo, si ay u sii caafimaad qabaan oo ay u shaqeyaan.

Haddii aanan si siman loo isticmalin, waxay taas horseedi kartaa in xubnaha jirka ay lumiyaan awoodda ama in ay gabaan hawshooda.

Tusaalaha ugu wanaagsanna waxaa loo soo qaadan karaa seedaha jirka qofka bani’aadamka. Haddii si joogta ah shaqo loogu qabto, way shaqeynayaan oo waxay noqonayaan kuwa muuqda, waxaana tusaale usoo qadan karaa jimicsiga oo ah wax wanaagsan oo qofka haddii uu sameeyo caafimaadkiisa u wanaagsanaanayo.

Dadka aanan sameynin jimicsiga waxay khatar ugu jiraan in xubnaha jirkood ay fariistaan oo ay noqdaan kuwa daciif ah. Seedaha jirka dadka aan jimicsan waxay noqdaan kuwa daciif ah oo aan tabar lahayn.

Si dadka ay uga fogaadaan dhibaatooyinka la xriira xubnaha jirka oo hawlgab noqdo, waxay u baahan yihiin in ay jimcsi sameyaan oo ay socdaan. Qofka marka uu sameeyo jimcsiga, wuxuu jirkiisa u baahanayaa in uu seexdo, jirkaaga ka ilaali in uu seexdo wakhti dheer, gaar ahaan wakhtiga badan ee la seexdo xilliyada maalinta ah.

Xoogaa yar oo uu qofka yara gam’o ayaa ka wanaagsan in la saa’id loo hurdo wakhtri dheer, marka la sameeyo jimicsi ka dib.

Jimcsi walba oo uu qofka sameeyo, waxaa sidoo kale ka faa’idaya maskaxda. Haddii aanan maskaxda la isticmaalin, waxay lumineysaa hawshii loogu talo galay. Dadka da’da waxaa aad ugu badan in ay wax hilmaamaan, waxaana keena maskaxda oo aan sameynin wax jimcsi ah.

Wax akhrinta badan iyo maskaxda

.Lahaanshaha sawirkaMAHATIIR MAXAMED
Image caption.

Akhrinta buugaagta waa wax aad u wanaagsan, waxayna qofka ka caawisaa in uusan wax hilmaamin iyo awoodda ah in uu qofka si wnaaagsan u helo eereyada marka uu hadlayo.

Marwalba waxaad xusuusaneysaa erey walba oo aad akhriso.

Haddii aanu qofka wax akhriyin, waxaa ku adkaaneysa in uu wax xusuusto ama uu qabto kalmadaha.

Wax akhrinta waxay kobcisaa maskaxda, waxayna sidoo kale jimcsi u tahay maskaxda, si lamid ah sida jimicsiga uu waxtar ugu leeyahay xubnaha jirka, gaar ahaan seedaha.

Qaab dhismeedka jirka

Waa qeyb kale oo muhiim u ah caafimmaadka dadka ban’iaadamka. Lafaha jirka oo daciifa waxay horseedaan in xubnaha kale ee jirka ay sidoo kale noqdaan kuwa hawlgab ah.

In qofka dhabarka ka soo qaloocdo waxaa keena qaab dhismeedka jirka oo aan ahayn sidii la rabay. In si wanaagsan loo istaago, jirkana marwalba la toosiyo waxay kaa caawineysaa in lafaha jirkiis ay sinnaadaan

Waxyaabaha kale ee gacanta ka geysan kara in laf dhabarta aysan soo qaloocanin waxaa ka mid ah in qofka uu iska ilaaliyo cunista raashinka badan ama uu cabo khamriga, iyo marwalba si quman oo toosan loo istaago.