Siyaasiga Reer Kenya Faarax Macalin Iyo Wasiirkii Hore Isgaadhsiinta Somaliya Geele Oo Feedh Isla Dhacay CCTV Oo Duubtay – VIDEO

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa gudaha hotel kuyaala magaalada Nairobi waxa uu ku weeraray kulana dagaalamay Wasiir katirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta ayaa heshay Muuqaal kooban ay duubtay Kaamirada Hotelka ku xirneed ee CCTV, waxaana Muuqaalka laga arki karaa Siyaasiga Faarax Macalin oo dharbaaxo iyo Feer ku bilaabaya wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Somalia Maxamed Jaamac Mursal Geelle.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayo dagaalka gacan ka hadalka ah ee dhax maray labadan masuul, waxaana markii dambe soo kala dhax galay dad ku sugnaa Hotelka kuwaa oo kala diray Wasiirka iyo Faarax Macalim.

Labada Masuul ee ku dagaalamay magaalada Nairobi ayaa ah kuwa kasoo wada jeeda hal beel, walina lama oga iyaguna kama hadlin sababta dhalisay dagaalkan gacan ka hadalka ah ee ku dhax maray Hotelka ku yaala Nairobi.

Halkan ka Daawo Muuqaal Kooban oo laga duubay Dagaalka labada masuul dhax maray.