Soomaaliya oo Kaalinta Saddexaad ka gashay Wadamada Adduunka ugu Qaxootiga Badan

Shirka golaha Guud ee Qaramadda Midoobe oo manta ka Furmaya Magaaladd new York ee Dalka Mareeykanka ayaa la filayaa in Diiradda Lagu Saaro Mushkiladaha Qoxoortiga ee dunidda Kataagan, Waxaana la filayaa in Madaxdu ay laba jibaaraan Dadaaladda ay kula Tacaalayaan Qoxootiga Aduunka.

Warbixin ay soo saareen Kooxda Lasocodka Xasaraaha Aduunka ayaa Madaxda Caalamaka ku Boorisay in ay ugu yaraan 10% Sanadkasta Dib u Dejin usameeyeen Qoxootiga ku kala Sugan Qaaradaha Aduunka, islamaarkaana ay si Siman uwadaagaan Masuuliayadooda.

Warbixinta kooxda Xasaradaha Aduunka oo Diiradda Lagu saaray Tobanka Wadan ee ay ka kala yimaadeen Qoxootiga Aduunka ayaa Kaalinta Sedexaad waxaa Galay Dalka Soomaliya.

Qoxooti Gaaraya 1.12 million oo Soomaali ah ayaa ku Qaxay Dalka Dibadiisa Halka  Qaarkalena ay Dalka Gudihiisa ku Barakeen.

Kooxda Xasaradaha Aduunka waxaa ay sidoo kale shaaca ka qaadeen in weeraradda Alshabaab ay  Dadbadan oo Soomalia ah ka Hortaaganyihiin in ay Dib ugu Soo laabtaan Dalkooda Hooyo.

Waa markii ugu Horreeysay oo Shirka Golaha Guud ee Qm looga Doodo Arrimah Mushkiladaha sii Kordhaya ee Qoxootiga aduunka.