South Sudan: Taliyihii Ciidamada UN-ka oo Kenya u dhashay oo xilkii laga xayuubiyey – VIDEO

Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Ciidamada UN-ka (UNMISS) ee ku sugan wadanka Sudaanta Koonfureed, kadib markii baaritaan lagu cadeeyey in ciidamadaasi aysan waxna ka qaban xasuuqii loo geystay dadka rayidka ah.

 

Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Juba ee caasimada Sudaanta Koonfureed oo gaaraya 12 kun ayaa la sheegay inaysan u gurman dadkii lagu xasuuqay magaaladaasi xiligii ay dagaalada ka socdeen deegaankaasi horaantii sanadkan, Taliyaha ciidamadan UN-ka oo kasoo jeeda dalka Kenya Gen.Johnson Ondieki ayaa hada xilka laga qaaday.

Waa tilaabadii ugu horeysay oo laga qaado ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Sudaanta Koonfureed kuwaasi oo lagu eedeenayey inaysan si dhameystiran uga soo bixin hawshooda la xariirta inay u gurmadaan dadka shacabka ee dhibaatada kasoo gaartay dhinacyada dalkaasi ku dagaalamaya.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaan weli go’aan ka gaarin baaqyo la xariira in Garabyada ku dagaalamaya dalka Sudaanta Koonfureed ay cunaqabateyn horleh kusoo rogaan.