Taliyaha Ciidamada Amisom iyo Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka oo gaaray Cadaado ee gobolka Galguduud

Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, waxaa gaaray Taliyaha ciidamada Amisom iyo Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Milateriga Somaliya iyo Amisom ayaa ku wehliya socdaalka maanta xubnahan ay ku tageen Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug.

Markii ay ka dageen Garoonka Diyaaradaha Cadaado ayaa waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Maamulka Galmudug, halkaasi oo iminka kulamo ay kula leeyihiin masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

Wararka waxa ay sheegayaan in ujeedka socdaalka masuuliyiintaan ay tahay dhiiragelinta ciidanka Xooga dalka Somaliya ee Xerada 21-aad ee Galgaduud ku sugan.

Kulanka oo hada ka socda Magaalada Cadaado ayaa sidoo kale waxaa looga hadlayaa ammaanka Magaalada Cadaado oo ka mid ah goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Xildhibaanada dalka.