
Taliyaha Guud Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha ayaa kula kulmay xarunta Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle Wasiirka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, saraakiil ka tirsan IGAD iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Booqashada Taliyaha AMISOM ee Jowhar ayaa la xiriirta u kuur gelida xaalada goobaha ay ka dhaceyso doorashada Xildhibaanada labada aqal oo lagu wado inay Jowhar ka dhacdo, marka la dhameystiro dhismaha maamulka Hirshabeelle.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga wada hadlay sidii Ciidamo AMISOM loo geyn lahaa xarunta uu ka socdo shirka maamul u sameynta labada gobol, si ay u sugaan ammaanka hoolka shirarka ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.
Labo maalin ka hor ayay aheyd markii Ciidamo hubeysan oo ku heyb ah Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Cali Xasan Taakow ay la wareegeen xarunta shirka uu ka socdo, halkaasoo ay degan yihiin ergadii ansixisay dastuurka iyo Xildhibaanadii dhowaan la soo xulay.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socda shirar gaar gaar ah oo lagu xalinayo khilaafka ka dhashay shirka, iyadoo aanay wali wax natiijo ah ka soo bixin, waxaana dib u dhac ku yimid dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.