Taliyaha milateriga Zimbabwe oo lagu eedeeyay khiyaano qaran

Taliyaha milateriga Zimbabwe oo lagu eedeeyay khiyaano qaran

Jeneraalka milateriga ZimbabweLahaanshaha sawirkaALAMY
Image captionJeneraalka milateriga Zimbabwe

Xisbiga haya talada waddanka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa waxa uu khiyaano qaran ku eedeeyay janaraalka ugu sarreeya dalka, xilli ay soo baxayso saansaanta xiisad u dhaxeysa Madaxweyne Mugabe iyo milateriga.

Janaraal Constantino Chiwenga ayaa waxa uu shalay ka digay inuu diyaar u yahay inuu faragelin sameeyo kaddib markii Mr Mugabe uu todobaadkii tegay xilka ka qaaday ku-xigeenkiisii.

Waxaa loo malaynayaa in 93 jirkan uu isku dayayo inuu dhabaha u xaaro xaaskiisa Grace si ay xilka ula wareegto.

Waxaa soo baxayaa astaamo muujinaya in ay kala qeybsanaan u dhaxeyso Madaxweyne Mugabe iyo milateriga kaddib markii uu madaxweynuhu todobaadkii hore xilka ka qaaday ku-xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa.

Qaar ka mid ah garabka dhalinyarada ee xisbiga Zanu-PF ayaa taageeray fikirka ah in ugu dambeyntii ay xilka la wareegto xaaska Mr Mugabe, hasayeeshee arrintaasi ayaa waxaa si xooggan uga soo horjeestay madaxweyne ku-xigeenkii hore.

Milateriga ayaa sidoo kale si caro leh uga hadlay xilka qaadistii madaxweyne ku-xigeenka, iyadoo taliyahooda janaraal Constantino Chiwenga uu ku goodiyay inuu faragelin sameyn doono.

Taasna waxa ay horseedday diidmo xooggan oo ka timid xisbiga Zanu-PF, oo bayaan uu soo saaray waxa uu ku eedeeyay taliyaha milateriga inuu ku dhaqaaqay khiyaano qaran iyo carqaladeyn uu u gaystay ammaanka qaranka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xisbigu uusan abid aqbalayn handadaad iyo in ay markale ku celinayaan in siyaasaddu ay ka sarreyso qoriga.

Garabka dhalinyarada ayaa sidoo kale soo jeediyay in janaraalku uusan taageero buuxdo ka haysan milateriga.

Dhowr baabuur oo ah nooca gaashaaman ayaa lagu arkay waddooyinka waa weyn ee bannaanka magaalada caasimadda ah ee Harare, gawaaridan ayaa la sheegay inay ka soo tageen xerada milateri ee Inkomo, taas oo ka mid ah saldhigyada milateri ee ugu waa weyn dalka, hasayeeshee joogitaankooda ayaa ilaa iyo haatan ah mid aan sidaas muhiim u ahayn.