Taliyaha Nabadsugida oo shaqadii ka eryay 1,500 oo ka mid ahaa ciidamada NISA

Taliyaha ciidamada Nabadsugida Soomaaliyeed Gen Cabdullahi Gafow ayaa shaqadii ka fariisiyay ciidamo ka tirsan nabadsugida kuwaasoo tiradooda gaareysay 1.500.

Sida lagu daabacay Bogga Alleastafrica ciidamadan ayaa loo eryay sababo la xiriira inay ka soo bixi waayeen waajibaadkooda shaqo,waxana uu doonayaa taliyaha cusub in uu dardar geliyo howlaha ciidamada nabad sugida ee ka dhanka ah ururka Alshabaab.

Saraakiisha shaqada laga eryay ayaa waxaa kamid noqday taliyihii ciidamada nabad sugida gobolka Banaadir Abdixakim Farey waxaana ka muuqata ciidamada nabadsugida inuu bog cusub u furmayo.

Tan iyo markii loo magacaabay Gen Gaafow taliyaha cusub ee ciidamada nabadsugida waxaa la dareemayay isbedel dhinaca hogaanka iyadoo wajiyo cusub ay ka soo dhex muuqdeen ciidamada nabad sugida qaranka gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Isbedelkan ku imanaya nabad sugida qaranka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo lagu jiro diyaargarowgii ugu dambeeyay ee qabashada doorashaada madaxtinimada iyo tan baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Xigasho: Alleastafrica