Talyaaniga oo xiray deked ay ku soo xiran jireen maraakiibta muhaajiriinta badbaadiya

Markab kuwa dadka badbaadiya ah oo ay saaran yihiin 629 tahriibeyaal ah ayaa ku go’doonsan badda Mediterranean-ka, ka dib markii wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ee Talyaaniga uu diiday in uu bixiyo ruqsaddii uu ku soo shiraacan lahaa.

Matteo Salvini oo hoggaamiya xisbiga garabka-foh ee League ayaa sheegay in ay tahay in Malta ay aqbasho dadkaas balse waydiiday.

Malta waxay sheegtay in hay’adda Jarmalka ah ee SOS Méditerranée ay tahriibeyaasha ka soo qaaday biyaha Liibiya, taasina ay ka dhigan tahay in ay hoos imanayaan Talyaaniga.

Talyaaniga ah marinka ugu way nee dadka ka talabaya Waqooyiga Afrika ee u socda Yurub.