Theresa May oo soo dhisaysa xukuumad

Theresa May oo soo dhisaysa xukuumad

Theresa MayLahaanshaha sawirka PA
Image caption Xisbigeeda muxaafidka ee Theresa May ayaan helin aqlabiyadda uu u baahnaa si uu dowlad usoo dhiso

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa soo dhisaysa xukuumad cusub, ka dib markii ay ogolaansho ka heshay boqorada, xilli xisbigeeda uu hoos u dhac kala kulmay doorashadii guud ee shalay dhacday.

Xisbigeeda muxaafidka oo aan helin aqlabiyadda uu u baahnaa si uu dowlad usoo dhiso, ayaa hadda taageero ka helay xisbiga DUP ee Northern Ireland.

Theresa May ayaa rajeynaysay in doorashada xilligeeda laga soo hormariyay ay ku xoojin doonto awoodda xisbigeeda, balse taa bedelkeeda waxa uu xisbiga lumiyay qaar ka mid ah kuraastii uu ku lahaa baarlamaanka.

Tafaftiraha arimaha siyaasadda ee BBC ayaa sheegaya in Theresa May ay noqon doonto ra’iisul wasaare aan awood badan lahayn, ayna dhici karto in muddo kooban ay xilka hayso.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee labour-ka, Jeremy Corbyn, oo uu xisbigiisa kuraas badan oo dheeraad ah ka helay doorashada, ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaare May in ay iscasisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xaqiijisay in wadaxaajoodka muhiimka ah ee ku aaddan sidii uu dalkeeda uga bixi lahaa Midowga Yurub, ay billaaban doonaan xilliga loogu talagalay oo ah 19-ka bishan.