Tirada Dhimashada Qarax ka Dhacay Kabul oo 90 Kor u Dhafay

Tirada dhimashada Qarax ka dhacay Kabul oo 90 kor u dhaaftay

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ak muuqda burbur xooganLahaanshaha sawirka EPA
Image caption Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ak muuqda burbur xoogan

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimada Afqaanistaan ee Kabul ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 95 qof.

Sida ay sheegeen saraakiisha dalka Afqanistaan qaraxa ayaa waxaa sidoo ku dhaawacmay dad gaaraya 158 qof.

Kooxda weerarka Fulisay ayaa adeegsaday gaari ah nooca gurmadka degdega ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Ka hor weerarka ayaa waxaa gaarigan uu ka soo gudbay bar koontarool oo ay booliiska joogeen.

Qaraxa ay ka dhacay dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha , waxaa sidoo kale goobtaasi ku dhaw xafiisyada ururka midowga Yurub.

Waxaa la arkayay qiiqa ka baxayay goobta uu qaraxa ka dhacay

Kooxda Daliban ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Toddobaad ka hor Taaliban ayaa weerar ay ku qaadeen Hotel ku yaalla Kabul waxa ay ku dileen 22 qof.