Trump oo beeniyey inuu duubay cod

Trump oo beeniyey inuu duubay cod

Madaxweyne Trump iyo Comey
Image caption Madaxweyne Trump iyo Comey

Madaxweyne Donald Trump ayaa beeniyey inuu duubay wadahadaladii dhexmaray isaga iyo agaasimihii hore ee FBI-da ee uu shaqada ka eryey inkastoo uu hore u muujiyey Trump inuu duubay wadahadalada.

Bilooyin kadib caqabado iyo cadaadis ku aadan in cajaladaha lasoo gudbiyo ayaa Trump fariin u baraha bulshada ee twitterka uu ku baahiyay wuxuu ku sheegay inuusan ogeyn in duubitaan caynkaasi ah uu jiro,Laakinse aanu isagu waxba duubin.

Qoraalkii ugu horeeyay ee u Madaxweynaha ku baahiyey baraha bulshada ay ku xiriiraan ee Twitter-ka ayaa noqotay mid muran badan dhalisay kadib markii shaqada u ka eryey hogaamiyihii hore ee FBI-da. Arrimahaas oo lala xiriinayo eedaha ku aadan faragelinta Ruushka ee doorashada Maraykanka