Trump oo muran hor leh goradda la galay

Trump oo muran hor leh goradda la galay

trumpLahaanshaha sawirka Getty Images

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa beeniyay wararka sheegaya in madaxweyne Trump uu madaxii hore FBI-da James Comey ka codsaday in uu joojiyo baaritaan ka dhan ah la taliyihiisii hore ee dhanka ammaanka Michael Flynn.

 Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka warkaasi waxa uu soo baxay maalin uun ka dib markii Michael Flynn uu is casilay, waxaana lagu salaynayaa warbixin uu qoray agasimihii hore ee FBI-da James Comey ka dib markii uu bishii Febraayo ee sanadkan la kulmay madaxweyne Donald Trump.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa beeneeyey in madaxweyne Trump uu ka codsaday Comey in uu joojiyo baaritaannada ay hay’addaasi uu madaxda ka ahaa ku wadday La taliyihii qaran ee arrimaha dhinaca ammaanka.

Michael Flynn waxa lagu khasbay in uu is casilo kaddib markii ay caddaatay in uu marin habaabiyey oo uu been u sheegay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi

Arrintan ugu dambaysay ayaa soo baxaysa iyadoo toddobaad laga joogo markii si lama filaan ah uu Trump xilka uga qaaday James Comey, arrintaasi oo dhalisay muran ballaaran.

Sidoo kale waxa isla toddobaadkan soo baxday in Madaxweyen Trump uu la wadaagay Ruushka maclumaad sir ahaa oo ku saabsanaa kooxda la baxda Dowladda Islaamiga, maclumaadkaasi oo Maraykanka uu ka helay dowlad kale.

Israa’il oo la tilmaamayo in ay ahayd dowlada Maraykanka la wadaagtay maclumaadkaasi ayaa haatan waxa ay sheegaysa in ay ku kalsoontahay Trump.