
Maamulayaasha Turkiga ayaa shaqada ka caydhiyay in ka badan 10,000 oo shaqaale dawladeed ah, ayadoo looga shakiyey inay xidhiidh la leeyihiin wadaadka ay xukuumadda Ankara ku eedeysay inuu soo maleegay inqilaabkii dhicisoobay ee bishii Luulyo.
Macallimiin, dhakhaatiir, iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa ka mid ah dadka lagu eryey wareegto la soo saaray gelinkii dambe ee Sabtidii.
15 hay’adood oo ah kuwa warbaahinta ayaa iyagana la amray in la xidho. Ma cadda in dadka shaqada laga caydhiyay ay ka mid ahaayeen kumanaan qof oo hore shaqada looga fadhisiyay, taasoo qayb ka ahayd olole ka dhan ah taageerayaasha wadaadka la yiraahdo Fethullah Gulen oo ku nool Maraykanka, kaasoo lagu eedeeyey inuu doonayey inuu sameeyo dawlad barbar