Turkiga oo go’doominta Qadar ku tilmaamay mid ka baxsan aadanaha

Turkiga oo go’doominta Qadar ku tilmaamay mid ka baxsan aadanaha

People shout slogans as they hold Turkish and Qatari flags during a demonstration in favour of Qatar in Istanbul, Turkey (7 June 2017)Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dadyowga Turkida ayaa ka qaybgalay dibadbax lagu taageerayo Qadar oo usbuucii la soo dhaafay ka dhacay bartamaha Istaanbul

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa cambaareeyay go’doominta dhowr waddan oo Carab ah ay go’doomiyeen waddanka Qadar, waxa uuna ku tilmaamay mid ka baxsan aadanaha iyo mabaa’diida Islaamka.

Erdogan ayaa sheegay in go’aankii waddamada Sucuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar ay calaaqaadka ugu jareen dalka Qadar uu la mid yahay ‘Xukun dil ah.’

“Khalad weyn ayaa laga galayaa dalka Qadar. In waddan la geliyo go’doon dhinac kasta ah ayaa ah mid ka baxsan bani’aadannimada isla markaana lid ku ah mabaa’diida Islaamka. Waxa ayna la mid tahay in dalka Qadar lagu riday xukun dil ah”, ayuu yiri Edogan.

 Qadar ayaa lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagixisada iyo dowladda Iiran, haseyeeshee waa ay beenisay dhammaan eedeymahaasi.

Madaxwweyne Erdogan waxa uu wacad ku maray in uu garab istaagayo Qadar, waxa uuna dowladda Sucuudiga ugu baaqay in ay xalliso khilaafka kala dhexeeya dalka ay deriska yihiin ee Qadar.

Dowladda Turkiga ayaa durbaba caasimadda Qadar ee Dooxa ku soo daabushay cunno, caano iyo cabitaan kale, waxaana cunnadaasi lagu arkay dukaamada dalkaasi dhammaadkii usbuucii tegay.

Dowladda Morooko oo kal hore sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka waddamada Carbeed kala dhaxeeya Qadar ayaa Isniintii la soo dhaafay shaacisay in ay diyaarado cunno ah u direyso dalka Qadar, si ‘dalkaasi uu uga baaqsado cunno la’aan ba’an oo ka dhalata go’doominta.’

”Go’aankaasi ayaa waafaqsan mabaa’diida Islaamka oo dhigaya midnimo iyo in dadyowga Muslimiinta ahi ay isu kaalmeeyaan, gaar ahaanna bishan barakeysan ee Ramadaanka” ayaa lagu sheegay warbixin qoraal ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Moroko.

Saudi Arabia

Waddamada Sucuudiga, Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa shantii bishan Juun shaaciyay in ay xiriirka u jareen dalka Qadar, sidaa awgeedna ay dalkaasi ka xirteen xiriirka dhanka badda, berriga iyo hawada.

Saddexda waddan ee xubinta ka ah golaha iskaashiga khaliijka ee Sucuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale muwaadiniintooda ku amray in ay ka soo baxaan dalka Qadar, halka muwaadiniinta reer Qadar ee waddamadooda ku nool ay u qabteen 14 cisho in ay uga baxaan.

Go’aankaasi ayaa khalkhal ka dhex abuuray gudaha dalka Qadar oo qani ku ah saliidda iyo gaaska dabiiciga ah balse ku tiirsan cunnada dibadda laga soo dhoofiyo.

Dalka Qadar ayaa waxaa ku nool dad tiro ahaan gaaraya 2,700,000 oo qof.

Madaxweyne Erdogan oo maalintii Talaadada ahayd khudbad ka jeediyay kulanka baarlamaanka dalkiisa ayaa waxa uu sheegay in qaabka ay adeegsadeen waddamadani deriska la ah Qadar uu yahay mid aan la aqbali karin.

Turkish President Recep Tayyip Erdogan delivers a speech to a meeting of his ruling AK Party in parliament on 13 June 2017Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay boqorka Sucuudiga in uu “arrintan xalliyo isla markaana uu muujiyo hoggaankiisa”

Erdogan waxa uu ku gacan seyray eedeymaha ka dhanka ah dalka Qadar, waxa uuna ku adkeystay in dalkaasi uu mowqifka ugu fiican ka qaatay kooxda jihaad doonka ah ee Dowladda Islaamka la baxday.

Erdogan waxa uu intaasi ku daray “in dalka Qadar lagu dhibaateeyo waxyaabo aflagaaddo ah aanay marnaba waxbo soo kordhin doonin”.

Inakstoo uusan si toos ah u dhaliilin dalka Sucuudiga, haddana waxa uu sheegay in boqor Salmaanka Sucuudiga ay tahay in uu arrintan xalliyo isla markaana uu muujiyo hoggaan wanaagsan maadaama buu yiri uu yahay “duqa khaliijka”.

Passengers wait at Hamad International Airport in the Qatari capital Doha on 12 June 2017.Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shirkadda duulimaadyada ee Qatar Airways ayaa laga mamnuucay hawada waddamada deriska ah ee Khaliijka.

Intaa ka dib ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga Caadil Al-Jubeyr waxa uu sheegay in aysan jirin wax go’doomin ah, waxa uuna sheegay in Qadar ay tahay xor oo dekadaha iyo garoomada diyaaradaha ay furan yihiin. Hadalkaasi ayuu jeediyay kaddib markii uu magaalada Washington kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson.

“Waxa aan sameynay ayaa ah in aan u diidnay in ay isticmaalaan hawadayada, arrintaana xor ayaan u nahay”, ayuu yiri Al-Jubeyr.

Al-Jubeyr waxa uu intaasi ku daray in haddii loo baahdo Sucuudigu uu cunno iyo dawo gargaar ah u dirayo dalka Qadar, iyada oo loo sii marinayo hay’adda boqor Salmaan ee ka shaqeysa arrimaha bani’aadanimada iyo gargaaka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa ku baaqay in la khafiifiyo xayiraadaha ka dhanka ah Qadar, balse in kastoo Qadar ay martigeliso saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe, haddana madaxweyne Donald Trump ayaa mar sii horreysay soo dhaweeyay xayiraadahaasi.

Trump ayaa Isniintii la soo dhaafay weriyeyaasha u sheegay in la joojin doono maalgelinta argagixisada ayna “gaajo u dilayaan dugaagga.

Customers are seen shopping at the al-Meera market in Doha on 10 June 2017Lahaanshaha sawirka AFP

Dowladda Qadar ayaa qiratay in ay taageertay kooxaha Islaamiyiinta ee gobolka oo uu ka mid yahay ururka Ikhwaanul Muslimiinka. Balse waxa ay beenisay in ay taageerto ama ay dhaqaale siiso kooxaha jihaad doonka ah ee sida kooxda Dowladda Islaamka iyo Al-Qaacidda.

Waxa ay sidoo kale beenisay eedeymaha ah in ay aad ugu dhowdahay oo ay xiriir la leedahay dowladda Iiraan oo uu loolan siyaasadeed kala dhaxeeyo dalka Sucuudiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar, Sheekh Maxamed bin Cabdulraxmaan Al-Thani oo booqasho ku jooga magaalada Paris ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in aysan wali ogayn waxa dhab ahaantii ka dambeeya tallaabadan ka dhanka ah dalkiisa.

“Qadar waxay diyaar u tahay in ay wada xaajood ka gasho wax kasta oo la xiriira ammaanka guud ee waddamada Khaliijka…..balse waxaan xaq uleenahay in aan ka jawaabno eedeymahani ah in aan faragelinayno arrimahooda gudaha”, ayuu yiri Al-Thani.