Turkiga oo qabanaya shir la isugu keenayo Hoggaamiyaasha Sacuudiga iyo Qatar

Turkiga oo qabanaya shir la isugu keenayo Hoggaamiyaasha Sacuudiga iyo Qatar

by A M Tuesday, Jul 25, 2017   

July 25 (Jowhar)— Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo soo gaba gabeeyay safaro uu ku marayay dalalka Khaliijka ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Qatar iyo Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga.

Erdogan oo lugtii u dambeysay ee safarkiisa xal u raadinta xiisada khaliijka ku maraya dalka Qatar, isagoo dadaal ugu jira sidii shir fool ka fool ah isugu keeni lahaa labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay qaban lahaayeen shir la isugu keenayo Hoggaamiyeyaasha Qatar iyo Sacuudiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa la kulmay Amiirka Qatar, isagoo kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Khaliijka.

Erdogan ayaa la soo kulmay Hoggaamiyeyaasha Kuwait iyo Sacuudiga, waxaana uu u bandhigay in dhex dhexaadin toos ah laga sameeyo khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka.

Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa ka soo dabcay mowqifkooda iyo shuruudihii 13 qodob ahaa, waxaana ay ku soo koobeen lix qodob oo kaliya.

Bishii la soo dhaafay ee June ayay aheyd markii dalalka Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar, kuna soo rogeen cunaqabateyn, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada.