Turkiga oo si weyn looga xusay Afgambigii Dhicisoobay sanadkii hore.

Sawiro: Turkiga oo si weyn looga xusay Afgambigii Dhicisoobay sanadkii hore

by master Sunday, Jul 16, 2017 

Ankara,Anadolu-Shacabka Turkiga ayaa shalay markale aduunyada tusay sida aysan marnaba u aqbaleen in la xoog lagu marooqsado Dimoqraadiyadooda, iyagoo si weyn isugu soo baxay wadooyinka ugu waa weyn magaalooyinka dalkaas, islamarkaasna u dabaal degay Guushii taariikhiga ahayd ee ay kazoo hooyeen kooxo katirsan ciidamada oo sanadkii hore isku dayay ineey Afgambi kula wareegaan tallada dalkaas.

Dowlada iyo Shacabka Turkiga ayaa xalay xusay sanadguuradi koowaad ee kasoo wareegatay afganbigi dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay 15-ki July ee sanadki 2016-ki.Boqolaal kun oo ruux ayaa ka qeybgalay banaanbaxyo ka dhacay xalay magaalooyinka ugu waaweyn dalkaas, iyagoo ruxyay Calanka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa tobanaan kun oo qof u jeediyey khudbad qiiro leh,Erdogan, ayaa amaanay dadka iyo xildhibaanadii golaha shacabka ee difaacay dimuqraadiyadda iyo xukuumadiisaba.

Wuxuu taageeray ciqaabta dilka ah ee lagu xukumay kuwii maleegay af-gembiga waxaanu yidhi waa in loo xidhaa dhar la mid ah kuwa loo xidho maxaabiista ku jira Guantanamo Bay.

Ku dhawaad 250 qof ayaa ku dhintay 2196 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkii ay kala hortageen af-gembigii ay isku dayeen koox ka mid ah milatarigu 15 Juulaay sannadkii hore.

Dawladda ayaa tan iyo maalintaa qaadday olole ay ku ugaadhsaneysay dadkii lagu eedeeyey in ay taageerayeen af-gembigaa, waxaana shaqada laga eryay in ka badan 150,000 oo shaqaale dawladeed ah sidoo kalena waxaa xabsiga loo taxaabay 50,000 oo qof.

Af-gembigu wuxuu ku dhicisoobay dhawr arimood dartood oo ay ka mid ahaayeen saraakiisha sarsare ee ciidamada qalabka sida oo aan taageersanayn iyo sidoo kale taageero siyaasadeed iyo mid shacab oo aanu midkoodna kasban.

Dadka dhaliila Erdogan ayaa sheegay in uu af-gembigaa dhicisoobay marmarsiiyo uga dhigtay sidii uu u cabudhin lahaa dadka siyaasadda kaga soo horjeeda, todobaadkii horena boqolaal kun oo qof ayaa iskugu soo baxay magaalada Istanbul ka dib markii ay socod dheer oo 450 km ah oo loo bixiyey socdaalkii “caddaaladda” oo dawladda lagaga soo horjeeday ku soo mareen meelo badan.