Ugu yaraan 230 ku dhimatay qaraxii Muqdisho

Ugu yaraan 230 ku dhimatay qaraxii Muqdisho

Qaraxa ayaa lagu tilmaamay kii ugu xoogga badnaa ee Muqidisho ka dhaca
Image captionQaraxa ayaa lagu tilmaamay kii ugu xoogga badnaa ee Muqidisho ka dhaca

Waxaa sii koradhay tirada dadkii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waxaa soo baxaysa imika in qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho shalay uu ahaa kii ugu xumaa ee soo mara magaladaasi.

Saraakisha ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 230 qof ay ku dhinteen qaraxaasi shalay ka dhacay Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa muujinaya in tirada ay intaasi ka badnaan karto

 

Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo badan oo lagu dawaynayo isbataalada magaalada Muqdisho.

Kooxaha gurmadka ayaa weli ku mashquulsan sidii ay u soo badbaadin lahayeen dad laga cabsi qabo inay burburka dhismooyinka ku hoos jiraan.

Goobta QaraxaLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionGoobta Qaraxa

Ma cadda ilaa iyo imika caddii ka dambaysay qaraxani .

Balse waxaa hubal ah in uu qaraxani ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimadda soomaaliya ee Muqdisho .

Qaraxii ugu horeeyay ayaa ahaa gaari ah nooca qaada xamuulka oo ku qarxay waddo mashquul badan oo ay ku yaalaan Hotelo,iyo xafiisyo ay dowlada leedahay.

madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay seddex maalmood oo baroor diiq loo samaeynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.