Uhuru Kenyatta oo loo dhaariyay xilka madaxweynenimada KenyaSaacad ka hor

Uhuru Kenyatta oo loo dhaariyay xilka madaxweynenimada KenyaSaacad ka hor

Uhuru Kenyatta in the Nairobi stadium, 28 November Mr Kenyatta will be serving his second term as presidentLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMr Kenyatta ayaa xilka loo dhaariyay

Uhuru Kenyatta iyo William Ruto ayaa maanta loo kala dhaariyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya kadib munaasabad balaaran oo ka dhacday Nairobi.

Dad boqol kun ku dhow ayaa ka qeybgalay caleemo-saarka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taas oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Kasarani oo qaada 60 kun, halka 40 kun kale ay dhalooyin banaanka la suray ka daawanayeen.

Illaa 20 madaxda adduunka ah ayaa kasoo qeybgalay caleemo saarka.

Ciidammada Kenya ee kala duwan ayaa gaado ka ciyaar kusoo bandhigay goobta.

Madaxweyne Kenyatta ayaa waxaa dhaariyay xaakimka sare David Maraga oo ahaa xaakimkii laalay natiijada doorashadii dhacday 8-dii bishii Agoosto.

.Lahaanshaha sawirkaREUTERS

Mar sii horeysay ciidamada booliiska ayaa sunta dadka kaga ilmeeysiisa ku furay taageerayaasha Kenyatta oo isku dayayay in ay xoog ku galaan garoonka xili kuraastii ay ka buuxsantay.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa caleemo saarka Kenyatta ku tilmaamay sidii boqor isaga isku caano shubay oo kale, isaga oo sheegay in isla maanta xaflad baroor diiq ah ay ku qabanayaan meel Nairobi ka mid ah, taas oo loogu murugoonayo dadkii ay Booliiska laayeen.