Wada hadaladii Khaatumo iyo Siilaanyo oo Dibu dhac ku yimid.

Waxaa la  ogaaday in wada hadaladii u dhexeeyey maamulada Khaatumo State iyo Siilaanyo dibu dhac ku yimid, wada hadaladan oo lagu wadey inay furmaan 17ka bishan November ayaa hada dib loogu dhigay Dhamaadka bishan ayadoo ugu yaraan 10 maalmood oo danbe ay dib u dhacayaan.

Dibudhacan ayaa ka yimid ka dib markii maamulka Khaatumo codsaday isla markaana shuruudo ka dhigay in shirka ay yimaadaan goobjoogayaal caalami ah, waxana wargelinta iyo abaabulka arintaasi qaadanaysaa mudo.

Sidoo kale gudiga wada hadalada Khaatumo oo qaarkood ku sugan dalalka Galbeedka ayaa u bahday wakhti is diyaarin iyo inay ugu yaraan helaan kala warqaadasho gudaha iyo debeda ah.

Khaatumo ayaa ku adkaysanaysa inay helaan damaanad buuxda oo fulinta waxii ka soo baxa wada hadalada ah iyo sidoo kale in ugu yaraan ay goobta joogaan daneeyayaasha arimaha Soomaaliya qaar ka mid ahi.

Maamulka Khaatumo ayaa u arka qadiya u dhaxaysa ayaga iyo Siilaanyo mid Sal balaadhan leh, taasoo ay doonayaan inay sidoo kale u arkaan qolada Siilaanyo, wararku waxay sheegayaan in maamulka Khatumo ay si diblumaasiyad sare leh u diyaarsadeen doodaha iyo dhamaan Gartooda ku aadan in xal laga gaadho xaalada murugsan iyo maleeshiyaadka 8 sano dulfadhiya deegaamada Khaatumo State.

Horufadhi.com