Wakiilka Qaramada Midoobay oo Madaxweynaha Jabuuti u soo jeediyay inuu qayb ka qaato xalka dagaalka Tukaraq

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xiisadda Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland.

Keating oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxweynaha dalkaasi, waxaana ugu horreyn uu sharaxaad ka siiyey madaxweynaha xaaladda Soomaaliya iyo sida ay hadda wax u socdaan.

Keating ayaa Madaxweyne Geelle usoo jeediyey inuu kaalin ka qaato daminta xiisadda Sool, gaar ahaan dagaallada Tukaraq, maadaama dedaallo badan oo la sameeyey lagu guul darreystay.

Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay Keating in dedaal uu ku bixin doono daminta colaaddan, islamarkaana aanu jecleen ka dowlad ahaan in dhiig Soomaaliyeed daato.

Michael Keating ayaa horay ugu guul dareystay xalinta xiisadda Puntland iyo Somaliland, kadib kulamo uu la qaatay madaxda Labada dhinac.