
Waxaa si rasmi ah ugu Guuleystay Doorashada Madaxweynaha maamulka Hir Shabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
Mudane Cosoble ayaa helay Cod dhan 61 Cod oo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi Hirshabelle ah.
Sidaas daraadeed ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle shaaciyay in Cali Cabdullaahi Cosoble yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee maamulkaasi.
Mr Cosoble ayaa la rumeysan yahay in uu taageero weyn ka heystay Madaxtooyada Soomaaliya.