War Deg Deg ah Ciidamada Amaanka Ee Gobolka Awdal Ayaa Caawa Heegan Culus La Galiyey Ka Dib Markii Warbixin Hor Dhac ah Laga Helay Soo Rogaal Celin La Sheegay In Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar Wado…

War Deg Deg ah Oo Hada Soo Gaadhay Xafiiska Warqabadka Magaalonews ayaa Sheegaya in Ciidamada Amaanka Ee Gobolada Galbeedka Gaar ahaan Gobolka Awdal Caawa La Galiyey Heegan Culus Kuwaasi oo caawa wixii ka dambeeyey 10 Habeenimo Siweyn Looga Dareemayey Dhaq Dhaqaaqyadooda Xaafadaha Kala Duwan Ee Magalada Borama.

Masuul ka gaabsaday in magiciisa la sheego ayaa Xaqiijiyey Amarkani Ciidamada Amaanka Heeganka Lagu Galiyey in Uu Yahay Mid ka Soo Baxay Madaxtooyada Hargeysa Islamarkaana Fariin tani la soo gaadhsiiyey Madaxda Amaanka Ee Gobolka Awdal. waxa uu intaasi raaciyey Masuulkani in Amarkani imiday Ka Dib Markii Xogo Laga Helay in Deegaanka Degmada Dharwanaaje Uu Soo Gaadhay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar.

Wali Lama Hubo in Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar Uu Wato Ciidamo Hubaysan iyo in uu sacabo Madhan Yahay oo Safar Gaar ahaaneed ku imiday balse waxaa ay Maamulka Hargeysa Gabi ahaanba Caawa Heegan Galisay Ciidamadeeda Amaanka Sida ay Sheegayaan Wararka Ka Imanaya Gobolka Awdal.

Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar Ayaa Kacdoon Hubaysan oo sababay Dhimasho iyo Dhawaac Kala Hor imiday Maamulka Hargeysa Waxaana Dhaq Dhaqaaqa Wabar Uu Boog Lama Ilaawaan ah ku Noqday maamulka Hargeysa.

Waxaase hubaal ah kaliya in Hadal Haynta Suldaan Abiibakar cilmi wabar Caawa laga Hadal Hayey Qasriga Madaxtooyada Hargeysa.