War Deg Deg ah:Beel Hubkeedii kala Baxday Muqdisho

 

War Deg Deg ah:Beel Hubkeedii kala Baxday Muqdisho

Muqdisho{khaatumonews} Beesha Abgaal Cismaan ayaa hubkeedii kala baxday magaalada Muqdisho, iyadoo hoggaamiyeyaal badan oo beesha ah ay hubka isku darsadeen, sidoo kalena la baxeen ciidan badan oo Milatari ah.

Beesha Ayaa hubkeeda la aadday dhanka gobolka Shabellaha Dhexe gaar ahaan degmooyinka Cadalle iyo Warsheekh, waxaana la socda rag culus oo uu kamidd yahay Axmed Daaci.

Hubka lala Baxay waxaa leh sida la sheegay Bashiir Raage, Muuse Suudi, Axmed Daaci, Cumar Finish, Caraale iyo xubno kale oo beesha.

Dowladda Federaalka ayaa ka war heshay in hubkan laga bixiyey Muqdisho, waxaana beesha ugu baaqday in ciidanka ay wateen ay soo celiyaan, sidoo kalena hubka u keenaan dowladda.