War Deg Deg Ah:Shirweynihii Dhulbahante Oo Guddi Loo saaray iyo Goobta lagu Qabanaayo.

War Deg Deg Ah:Shirweynihii Dhulbahante Oo Guddi Loo saaray iyo Goobta lagu Qabanaayo.

Gudiga qaban qaabada Shirwaynaha aayo ka talinta gobollada SSC  Ee Khaatumo ayaa maanta lagu dhawaaqay iyadoo Isimada dhaqanka ee gobolada SSC  maanta  Ay yeesheen Shir dhanka Telefoonka Ah ayaa waxaa ay sheegeen in gudigaasi uu ka kooban yahay 27 Xubnood waxaana ay sheegeen in madasha lagu qabanayo Shirkaasi ay tahay Buuhoodle.

Hadaba arinkan ayaa ku soo beegmaya Xilli Deegaanka Khaatumo Ku jiro Marxalad xaasaasi ah Oo Kooxo Uu Hogaaminaayo cali khaliif ay Hargeisa u Joogan Dhabar jabinta masiirka Khaatumo.

 

Shirkan maanta Loo Saaray Guddigii Qaban qaabada shirka ayaa Ahaa mid In Mudo ahba ay Sugaayen Shacabweynaha Reer khaatumo.