
Magaalada Adis Ababa waxaa hiirtii hore ee saaka gaadhay waftigii Madaxweynaha Khaatumo Dr. Ali Khaliif Galaydh oo ay weheliyeen wasiirka arimaha debeda Maxamuud Ismaaciil Shabac, Aqoonyahan Baayer Mahdi iyo Dr Ali Ciise Abdi oo ka sii raacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shabakada Horufadhi ayaa xaqiijisay in casuumaad rasmi ah maamulka Khaatumo ka helay dawladda Ethiopia, sidoo kale waxan xaqiijin karna in ujeedka ugu weyn ee socdaalkani yahay mid dawladda Ethiopia dalbatay oo ay doonayso inay heshiis dhanka nabadgalayada iyo isu socodka ah la gasho Khaatumo STate iyo maamulada kale ee xuduuda la leh.
Wasaarada arimaha debeda ayaa qaban qaabisay kulan ay qayb ka yihiin dawladda dhexe, Khaatumo , Galmudug iyo maamulka SOmaliland, ayagoo danahooda dhanka amniga ah kala hadlaya, sidoo kale Khaatumo ayaa waxay hordhigi doontaa arimo ay ka mid yihiin maamulka dawlad deegaanka Ethiopia oo dhawaan xidhay Xildhibaan reer Khaatumo ah Abdelrasaaq X, Maxamed Dirir oo ay si sharci darro ah uga xidheen deegaankiisa Docmo oo uu ku sugnaa xildhibaanku.
Maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale dawladda Ethiopia kala hadlaya dhulka la haysto ee reer Khaatumo oo la rumaysan yahay in dawladda Ethiopia ay masuul ka tahay. Dawladda Ethiopia ayaa Khaatumo iyo maamulada kaleba ka doonaysa inaan mucaaridka qalalaasaha ka wada dalkedu aysan saldhig ka helin deegamada ay joogaan, sidoo kalena aysan u ogolaan inay ka helaan Tas-hiilaad.
Halka dawladda Soomaaliyana ay u gudbinayso walaaceeda ku saabsan dekeda Berbera ee Imaaraadku ka samaysanayo saldhiga Military, ayagoo ka walaacsan in Masaaridu ugu soo dhuumato oo ay isku hayaan biyaha webiga Nile.
Wufuuda Madaxweynaha Khaatumo waxay sidoo kale la kulmi doonaan beesha calaamka wakiiladeeda ku sugan xarunta midowga Afrika, sidoo kale lama xaqiijin inay kulmayaan maamulaha Somaliland, walow warar horey u soo baxay ay tibaaxayeen inay ka wada hadli doonaan sidii wada hadalada si rasmi ah ay ugu wada dhawaaqi lahaayeen, isla markaana isula meel dhigi lahaayeen halka ay noqonayaan.
Isku soo wada duub wufuuda Khaatumo ayaa olole balaadhan oo siyaasadeed ka wada Adis Ababa oo ay ugu horayso inay helaan tixgelin maamul oo buuxa.
Horufadhi.com