Warar Dheeraada Oo Ka Soo Baxaya qafaalashadii Suldaan Abshir Ee Maamulka Hargeysa (Warbixin)

Tan iyo intii suldaan Abshir ay qafaasheen maamulka Hargeysa waxaa yaraa wararka ka so baxaya iyo ujeedada laga lahaa in Suldaan ay doorteen beel weynta Bahabar muuse xoriyadiisa laga qaado.

Suldaan Abshir waxaa magaalada Boorama ka qafaashay ciidamo ka yimid maamulka Hargeysa waxayna toos u geeyeen kuna xidheen xabsiga Madheera, isagoon wax waaranana loo gowyn.waxaana loo diiday qoyskiisa iyo qaraabadiisu in ay ku booqdaan jeelka.

waxa hadaba soo baxaya in xadhiga  Suldaanka ku lug leyahay Cabdiraxmaan Seylici, waxaana taas cadaynaya kulamo uu ku qabtay gurigiisa oo uu iskugu yeedhay qaar ka mida madax-dhaqameedyada beesha Maxaadcase marka laga reebo Mahabar-muuse oo iyagu diiday inay iska xaadariyaan guriga Seylic isoo ah ninkii Suldaan kooda xidhay.

Beesha Mahabar Muuse waxay ganafka ku dhufatay tiraba laba jeer inay guriga Seylici tagaan.

Seylicina wuxuu rabay inay weydiistaan in Suldaanka uu cafis u fidiyo. Beesha Suldaanku ka dhashayna waxay qabtaa in suldaan koodii xaqdaro Seylici ku xidhay degdegna xoriyadiisii ugu soo celiyo raali gelina ka bixyo.

Waxaa jiray in shirkad macdanta oo laga leeyahay Hareysa ay liisan u soo qaadatay inay macdanta ka qodato buuraha gobolka Awdal dhul dhan masaafa ahaan 200km, sida la sheegayna Cabdiraxmaan Seylici gadhwadeen ka yahay.

Dhinaca kala laanta danbi baadhista maamulka Hargeysa ee (C.I.D.) ayaa jeelka Madheera ku booqatay shalay Suldaan Abshir waxana ay weydiiyeen waxa ku kalifay in inuu dadka ugu baaqo inay dhulkooda ilaashadaan iyo inuu ka noqonayo arrinkaas. Waxana uu ugu jawaabay in ayna marnaba dhacayn in dad aan dhulkooda u dhalan ay macdanta iyo khayraadka dhulkooda dhex jiifa  ka gurtaan ama waxyeelo u geystaa dad iyo duunyaba. Si uu sheegay wasiirka maamulka Hargeysa u qaabilsan macdantu.

Beesha Bahabar muuse waxay ku dhawaaqeen mudo hada laga joogo afar maalmood shir beeleed laagaga tashanayo qafaalashada iyo afduubka lagu haysto suldaankooda.

Ugu danbeyntii Suldaan Abshir wuxuu ka mid yahay hogaanka salaadiinta gobolka Awdal gaar ahaan waa suldaan ku sifoobay run sheeg iyo ilaalinta sharafta iso karaamada dadkiisa.

Xadhiga Suldaan Abshir dhamaan shacabka Awdal aad bay uga cadhoodeen waxayna shucuurtoota ku muujiyeen banaanbaxyo silmiya oo gilgilay dhamaan magaalooyinka gobolka.