Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay Barxada Dugsiga Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka is qarxinta oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Booliska oo isku diyaarinayay inay gaardiyaan.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas uu fuliyay qof xirnaa jaakadaha qarxa.

Abuu Muscab oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in weerarkaas ku dileen illaa 27  ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in illaa 15 askari oo boolis ah ay ku dhimatay, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qofka fuliyay weerarka is qarxinta ayaa isku soo ekeysiiyay ciidamada, isagoo xirnaa dareyska ciidamada booliska, ciidamada la qarxiyay ayaa ahaa kuwo loo diyaarinayay inay ka qeyb qaataan munaasabadda maalinta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xilliga qaraxa dhacayay ciidamada booliska ayaa isku diyaarinayay inay gaardiyaan, oo ay safaf galaan, waxaana la sheegayaa in hadii qaraxa uu dhici lahaa xilliga gaardiska socda uu khasaaraha intan ka badnaa lahaa.

Qaraxan ka dhacay Barxada Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu jiro diyaar garowga munaasabadda maalinta aas aaska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka bisha December.