Warbaahinta Yemen Ayaa Baahisay Taageerada Ganacsade Ina Awsiciid Siiyo Kooxda Xuutiyiinta Ee Ka Dagaalanta Dalka Yemen Iyo Dareenada Ku Xeeran…. Majalada   ugu Afka Dheer  Warbaahinta  Waddanka Yemen ayaa Markii   ugu Horaysay  Toos Udaabacday  Ganacsadaha  Reer Jabuutiga ah  Ina  Aw Siciid  uu  Dalka  Yemen Kawado Khalkhal Galin    iyo Xoojin Colaada  Madhabiga ah ee Dalkaa   ka  holcaysay Sanooyinka Badan  Warbixinta lagu Daabacay  Yemen post  Waxa   kale oo Lagu Sheegay in   uu Ganacsade Ina Awsicii Dalkaas  geeyo Hub sharcidaro ah  iyo Maandooriyaha Doroogada  oo   uu ka  ganacsigeeda Caan  kuyahay,  Qaradama   Midoobay  iyo Xulafada Dagaalka  kula jira  Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa Hore Dhowr Jeer    ugu  Eedeeyay ina Aw Siciid  ku luglahaansha Colaada  dalka  yemen oo  u  kadhex baadhayo  Faa,ido  dhaqaale.

Qalalaasaha uu  Ganacsadaha Reer Jabuutiga ah  kawada Dalka Yemen  maaha mid  dalkaas oo kaliya  ku eeg waxa   uu sidoo  kale  fadqalao siyaasadeed  kawadaa Dalka Jamhuuriyada  Somaliland  oo Colaad  iyo Mixnado Qabaliya  ka hurinayay Mudooyinkii danbe  isaga  oo  raba  in uu  ku ilaashado Maslaxo Ganacsi oo  uu   Koontooyin  gaara  kuxidhay  sanooyin  badan.
Balse hada ayay  umuuqataa in  ay  indhaha beesha  Caalamku   kusoo jeedo  Ganacsadaha Amaandarada  kahurinaya  Wadamada Dariska ah  waxana   Dalka Maraykun hore  uga  shaki  qabay in  Hubka  ina Awsiciid Gaadho Maleeshiyaadka Daacish ee Dalka Yemen  kusugan  oo    dhalin karta in uu Ganacsadaha Reer Jabuutiga ah  lakulmo Xayiraado  iyo Maxkamadayn Caalamiya…