Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in maalmaha soo socda la bilaabanayo fulinta wajiga koowaad ee mashaariicda horumarineed ee Qatar ka fulineyso Soomaaliya.

Wasiirka oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa sheegay in mashaariicdan ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan dib u dhiska dalka, isagoo uga mahad celiyay dowladda qatar garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Mashaariicdan ayaa isugu jira dib u dhiska wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhirirkeedu yahay 90KM, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhirirkeedu yahay 30KM.

Waxaa kaloo mashaariicda qeyb ka ah dib u dhiska qaar ka mid ah xarumaha dowladda iyo hourmarinta dhaqaalaha dowladda.

Heshiiskan ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay ku kala saxiixdeen Magaalada Muqdisho 28-kii bishii November ee sanadkan, iyadoo la rajeynayo in Hesiiskan uu qeyb ka qaato qorshaha qaran ee horumarinta dalka oo ay ka qeyb ka tahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo xoojinta dhaqaalle.