Wasiirada cusub ee R/Wasaare Khayre Magacaabay oo la dhaariyey (Sawiro)

Wasiirada cusub ee R/Wasaare Khayre Magacaabay oo la dhaariyey (Sawirro)

Muqdisho (Kalshaale) Wasiirada cusub ee Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa maanta lagu dhaariyay kulanka Guddiyada joogtada ee Golaha shacabka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir ayaa lagu hor dhaariyay Guddoonka Golaha shacabka iyo Guddiyada Joogtada

Kulanka Guddiyada joogtada Golaha shacabka oo ahaa kulan aan caadi aheyn ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye Jawaari, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha 15-ka Guddi iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Intaas kaddib ayaa Wasiirada la dhaariyay waxay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ku wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilka ula wareegaan, si ay u gutaan howlahooda.

Saddexda Wasiir ee cusub ayaa la magacaabay maalintii khamiistii ee taariikhda aheyd 4-ta bisha Janaayo 2018, waxaana la magacaabay iyagoo labo ka mid ah ay dalka ka maqnaayeen sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda oo Muqdisho soo gaaray jimcihii iyo saaka oo Axad ah.